Somali News

Khasaare ka dhashay Shil gaari oo ka dhacay Togdheer.

Alle ha u naxariistee ilmo yar ayaa ku geeriyooday, halka laba kalena uu kasoo gaaray dhaawac ka dib markii ay miino kula kacday meel u dhaxaysa deegaanada Habuura iyo Sibidhley ee xuduuda gobolka togdheer la wadaago gobolka Jarar ee DDS.

Dhaawaca caruurta labadda ah ayaa haatab xaaladooda Cafimaad waxaa lagula tacaalayaa cisbitaalka guud ee Magaalada burco, sida ay shegeen Saraakisha Cafimaadka Somaliland.

Dhacdadaan ayaa timid ka gadaal markii Saddexda carruurta ahi oo isla dhashay ay ari kula joogeen halka ay miinadu kula kacday, waxaana intaasi ka dib gurmad Cafimaad u fidiyay saraakiisha Cafimaadka Magaaladda burco.

Dhinaca kale shan qof oo kale ayaa dhaawacmay ka dib markii ay isku dhaceen ambalaaska degmada dhoqoshay oo siday dhaawaca labada carruur ah iyo gaadhiga kale oo xaajiyada ah oo isna siday dad rakaabka ah waxaan shilkaas uu ka dhacay meel u dhaw deegaanka Balli-hiile.

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Dr Maxamed Yuusuf Jaamac oo u waramay Warbaahinta Gudaha Somaliland ayaa sheegay in dhamaanba dadka dhaawacmay lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee burco, xaaladooduna ay tahay mid aad u wanaagsan.