Somali News

Khasaare nafeed oo culus oo ka dhashay shil ka dhacay duleedka Garowe

Garowe-KNN-Laba qof ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Garowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugaal ee Puntland.

Gaari shilkaas galay ayaa ahaa nooca yaryar ee raaxada, waxaana watay labada nin ee ku geeriyootay shilkaas.

Gaari ayaa rogmaday xilli uu marayey nawaaxiga tuulo lagu magacaabo Sinujiif oo u dhaxeysa magaalooyinka Dangoroyo iyo Garowe, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Maxamed Cali Xasan iyo Maxamed Qude, ayaa lagu kala magacaabaa labada marxuum ee ku geeriyootay shilkaas gaari, waxaana gebi ahaanba burburay gaarigii la rogmaday.