Somali News

Khasaare nafeed oo ka dhashay shil ka dhacay duleedka Garowe

Garowe-KNN-Inta la xaqiijiyey seddax qof ayaa ku geeriyooday, laba kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii xalay laba gaari ay isku dhacday, xilli ay marayeen duleedka bari ee magaalada Garowe.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada waddooyinka Puntland,  ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shilkaas uu ka dhacay meel u dhaw control dhanka bari ka xiga magaalada Garowe ee Puntland.

Saraakiishu waxay sheegeen in ay isku dhaceen laba gaari oo mid ahaa Carra-gediye, halka kan kalena uu ahaa nooca raaxada ee loo yaqaano Brobox.

Sidoo kale saraakiishu waxay tilmaameen in ay weli baaritaan ku hayaan sababta keentay shilkaas, isla markaana ay faahfaahin ka soo saari doonaan.

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanaya deegaanada Puntland, waxaana inta badan sababa gaadiidka xawaaraha sare ku socda iyo burburka wadooyinka qaar.