Somali News

Khasaare nafeed oo ka dhashay weerarro ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Wararka aan saakay ka heleyno waqooyiga gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in weerar ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Weerarkaas ayaa ka dhacay meel duleedka ka ah deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud, kaas oo 28-KM waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Faahfaahino ka soo baxaya qaabka uu weerarkaasi u dhacay waxay sheegayaan in kooxda hubeysan ay fiidkii hore ee xalay rasaas ku fureen labo dumar ah, xilli ay ku sugnaayeen hoygooda.

Dhaawacyo ayaa la sheegay inay ka soo gaareen rasaastii lagu furay labadaas qof ee dumarka ahaa, waxaana dhaawacooda isla xalay loola cararay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wararku waxay shegayaan in dhaawacii labadaas qof inta aan la gaarsiin Cadaado ay jidka u galeen maleeshiyaad kale oo iyaguna rasaas ku furay gaarigii siday dhaawaca.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno halkaas waxay sheegayaan in goobtaas uu ka dhashay khasaare kale oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac in kastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiiji karin inta uu dhanyahay.

Inta u dhaxeysa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado waayihii dambe waxaa ka taagnaa colaad u dhaxeysa beelo halkaasi wadadega waxayna beelahaasi iska dileen dad badan.