Uncategorized

Khasaarihii ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay deegaanka Af-urur oo sii kordhaya.

Weli Waxaa sii kordhay tirada askarta ka tirsan Puntland ee ku geeriyootay qaraxyo shalay ka dhacay degaanka Af Urur ee Gobolka Bari,iyadoona Saakay Ciidamada Puntland Halkaas ay ka wadaan howlgal adag oo Amaanka lagu xaqiijinayo.

Taliyaal Ciidan oo ka tirsan Puntland ayaa KNN  sheegay dhimashada inay mareyso 15 ruux oo askar iyo dad shacab ah isugu jira, halka shalay tirada ay aheyd Shan ruux, balse dad dhaawacyo culus soo gaaray ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Carmo ee Gobolka Bari.

Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay wadaan qorshu lagula dagaalamayo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku Sugan Deegaanada Puntland.

Dhaawacyada ayaa Haatan Waxaa ay gaarayaan illaa 35 ruux oo askar iyo shacab isugu  jira, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalada ku yaal Gobolka Bari, halkaasi oo Xaaladooda caafimaad askarta lagu daaweynaayo.

Xaalada Deegaanka Af-urur ee Gobalka Barri ayaa Saakay Waxaa ay Tahay Mid Degan marka laga reebo Howlgalo ay sameynayaan Ciidamada Amaanka Puntland.