Somali News

Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaad maanta ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliyaku dhexmaray degmada Wadajjir ee Gobolka Banaadir.

Iska horimaadka ayaa waxaa uu u dhexeyay askar ka wada tirsan milatariga Soomaaliya, waxaa uuna ka dhacay xaafadda Tarabuushka ee degmada Wadajir.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in iska horimaadka uu  ku dhintay 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo ka mid ah dhinacyada dagaalamay..
Wararka ayaa intaasi kuda daraya in askarta ay isku qabsadeen guri kuyaalla degmada Wadajir, taas oo keentay in ay dagaalamaan.

Askarta dagaalka ku geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cali Nuur Xoosheey Cali Niic iyo Saciid Axmed Shalaqbeen halka ay dhaawacmeen  Toxob Xasan Xadar iyo liibaan Shalaqbeen.