Somali News

Khasaaro ka dhashay Hoobiyaal maanta ku soo dhacay Xarunta Xalane ee Muqdisho

Muqdisho-KNN-Tiro Madaafiic ah ayaa maanta ku dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir gaar ahaan nawaaxiga xarunta Xalane oo ah fadhiga ugu weyn ee Ciidamada AMISOM ay  ku leeyihin magaalada  Muqdisho.

Hoobiyeyaasha ku dhacay degmada Wadajir ayaa tiro ahaan waxa lagu qiyaasay in ay ahaayeen 7 Hoobiye waxaana midkood uu ku dhacay Guri ku yaalla aga gaarka xarunta Xalane oo ciidamada AMISOM fadhiisimaha u ah.

Khasaro naf iyo maal iskugu jiro ayaa ka dhashay Dhowrka hoobiye ee maanta lagu garaacay Xarunta Xalane sida KNN ay u sheegeen dadka deegaanka oo la hadlay.

Inta la xaqiijiyay Guriga halka Madfac uu ku dhacay dadkii joogay 2 qof oo  ka mid ah ayaa dhintay halka Saddex kalana ay dhaawacmeen.

Waxaana jiro guryo kale oo hoobiyaashu ay ku dhaceen inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale waxaa hoobiyaashu ku dhintay 7 neef oo Ari ah oo halkii ay ku xareysnayeen madfac kula dhacay.

Maamulka degmada Wadajir oo aan la xirirno si aan wax uga weydiino sida ay wax u dhaceen iyo hoobiyeyaashu khasaaraha ay sababeen ayaa inoo suura galin inaan helno.

Ilaa Iyo hadda lama oga halka laga soo tuuray iyo halka  lala damacsanaa  ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadooda.