Somali News

Khasaaro ka dhashay madaafiic ciidanka ATMIS ay ku garaaceyn deegaanka Ceelbaraf

Wararka laga helayo deegaanka Ceelbaraf ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada ATMIS ay saakay madaafiic ku garaacayaan deegaanka, sida KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Tiro madaafiic ayaa waxaa ay ku dhaceen guryo ay deganaayeen dadka shacabka, balse lama oga khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay madaafiicda ay tuurayaan ciidamada ATMIS.

Dhinaca kale diyaaradaha dagaalka ayaa saakay dulheehaabaya deegaanada Meertaqwa iyo Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo wada dhaq dhaqaaqyo militari oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ayaa saakay lagu arkayaa gudaha deegaanka Ceelbaraf, iyagoona halkaasi ka wado baaritaano xoog leh.

Deegaanka Ceelbaraf iyo deegaano kale oo hoostaga waxaa horey ugu barakacay dadkii deganaa kuwaas oo u baxsaday deegaano hoos yimaada degmada Mahadaay iyo magaalada Jowhar, xili ay cabsi ka qabeen dagaal cusus oo dhexmara Ciidanka dowladda & Kuwa ATMIS oo isku dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab.