Somali News

Khasaaro ka dhashay roob dabeylo wata oo ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland.

Inta la xaqiiyey laba ruux oo kalluumeysato Yemeniyiin ah ayaa ku geeriyooday, halka 4 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kadib roob dabeylo wata oo ku dhuftay deegaanka  Xaafuun ee gobolka Bari.

Weriyaha KNN ee Maxamed Saaax ayaa soo sheegaya in  guryo badan ay dumeen, iyadoona  inta badanna guryaha magaalada saqafkii, uu kala tagtay dabaysha.

Magalaada Hurdiya oo aan ka fogayn Xaafuun badda ayaa ku soo kacday,dadkiina waxay u barakeceen bannaanka magaalada.

Doonyo kalluumeysi ayaa sidoo kale ku soo caariyey, qaar kalena badda ayaa la tagtay.

Roobka xoogan  ayaa xalay  iyo saaka ka da’aya gobollada Bari , iyo Sanaag.