Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay waxaa uu hooyga uu Muqdisho ka daganyahay ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud, oo shalay muqdisho yimid.
Ra’iisul wasaare Khayre ayaa Xasan Shiikh Maxamuud la wadaagay halka ay wax umarayaan dawladda iyo waliba hiigsiga xukuumadda ee mudada uhartay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kaga mahadnaqay booqashada uu ugu yimi mudane Khayre.

