Somali News

Khayre oo ka hadlay Shirka IGAD ee Khartuum

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa qudbad waxa uu ka jeediyay Shirka IGAD ee ka socda Magaalada khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Shirka ayaa diiradda waxaa lagu saarayaa sidii loosoo afmeeri lahaa colaadda ka taagan wadanka Koofurta Suudaan.

Khudbadda Khayre ayaa siweyn waxa ay ugu qotontay arimaha dalka koofurta Suudaan waxa uuna madaxda dalkaasi ee goobta fadhiyay usoo jeediyay in ay soo afmeeraan colaadda ragaadisay dalkooda, oo tubta toosan ay cagta saaraan.

Heshiiskan koofurta Suudaan ayaa waxaa lagu wadaa in lagu soo dhameeyo Colaadda ka taagan dalkaasi, waxaana la filayaa in muddo Sedex Bilood lagu soo dhiso Dowlad wadaag oo cidwalba ay iska dhex aragto, dhamaan dhaqdhaqaaqyada isbadalka lagu doonayana gudi IGAD ka socda ayaa dusha kala socon doona.