Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Muqdisho, waxa uu kula kulmay hay’adaha amniga iyo garsoorka ee dalka.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay, wasiirka amniga, gudoomiyaha maxkamadda sare, gudoomiyaha gobolka Banaadir, xeer ilaalinta, garsoorka, iyo hogaanka ciidamada Booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaare Khayre oo ka hadlay shirkan ayaa waxa uu sheegay, in ay muhiimtahay in la hormariyo arrimaha amaanka iyo garsoorka, waxa uuna madaxdii ka qayb gashay kula dardaarmay in ay shaqadooda si hufan u gutaan.
Shirkan ayaa la sheegay in la joogteyn doono, bil walbana la qaban doono kulankan, oo diiradda lagu saarayo arrimaha amaanka iyo cadaaladda.