Somali News

Khayre Oo Shir Guddomiyey Shir La isku Raacay in wax laga badalo qaabka Wada Shaqeened Garsoorka iyo Booliska

Moqdisho-KNNRa’iisul Wasaaraha Xukumamadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoomiyey kulankaan oo ay ka qayb galeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yusuf Ahmed , madaxda laamaha Cadaaladda , Garsoorka iyo Booliska, waxaana looga dooday Hirgalinta Hanaanka ku dhisan cadaaladda iyo dar-dar galinta  fulinta go’aanadda maxkmadda oo ay u xilsaaran yihiin ciidanka Booliska, si loo  xoojiiyo  kalsoonida Bulshada ay ku qabto Garsoorka.

Kulankaan oo ka qabsomay xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa dhamaan xubnihii ka qayb galay waxey isku raaceen in ay muhiim tahay in wax  laga badalo qaabka hada ay u shaqeeyaan Garsoorka iyo Booliska oo ah  fuliyeyaasha Go”aanadda.

Ra’iisul Wasaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya  oo la hadlay madaxda hay’adaha Garsoorka, Caadaladda iyo Booliska ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay  dagaal adag kula jirto musuq maasuqa iyo maamul xumadda, si taa loogu guuleystana  ay laf dhabar u yihiin helista garsoor hufan iyo ciidan u diyaarsan fulinta  go”aanada.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashir Cabdi Maxamed oo warbaahinta Qaranka la hadlay sheegay in ahmiyad weyn uu lahaa kulanka ay la qaateen Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Shirkaan  uu Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya uu la qaatay  madaxda hay’addaha Garsoorka, Cadaaladda iyo  Saraakiisha ciidmada ayaa qayb ka ah qorshaha dar-dar galinta   horumarinta  Cadaaladda iyo  Garsoorka.