Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta Magacaabay sedax Wasiir oo ka mid noqonaya Golihiisa Wasiirada.
Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ay isugu jiray kuwa dhamaantooda ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, Waxaa ayna kala yihiin
1.Saalax Axmed Jaamac, oo loo magacaabay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya,
2. Sadiiq Warfaa ayaa loo magacaabay wasiirka Shaqada & Arimaha Bulshada,
3.Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo loo magacaabay Wasiirka wasaarada Tamarta iyo kheyraadka Biyaha.
Wasaaradda shaqada & arimaha bulshada ayaa waxaa horay u ahaa Saalax Axmed Jaamac oo hada loo magacaabay wasaarada Dastuurka uu ka geeriyooday Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.
Sidoo kale Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo loo magacaabay Wasiirka wasaarada Shaqada iyo arimaha bulshada ayaa ah xoghayaha Gudigga Difaaca Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo loo magacaabay Wasiirka wasaarada Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ayaa ah Guddiga Arimaha iyo Amniga ee Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, waxaana wasaarada loo magacaabay kol hore iska Casilay madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdicaziiz Lafta-gareen.