Baydhabo-KNN-Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada qaar ka mid ah Shaqaalaha Xafiiskiisa ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.
Wafdiga Ra’iisal ayaa Garoonka Magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed.
Kheyrre iyo Xubnaha la socda ayaa loo Galbiyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed halkaas oo ay kulamo hor dhac ah kula qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.
Ujeedada Socdaalka Khayrre iyo Xubnaha wafdigiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay kulanka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la filayo in halkaas lagu qabto todobaadkaan.
Wasiiro ka tirsan Xukumadda Kheyrre ayaa KNN u sheega in todobaadkaan Kulanka Golaha Wasiirada lagu qaban doono Baydhaba kana qeyb gali doonaan Wasiirada Koonfur Galbeed.
Xasan Cali Kheyrre iyo Wafdigiisa ayaa Baydhabo ku soo qadan doona muddo dhowr maalmood ah waxayna kadib ku soo laaban doonaan Muqdisho.
Todobaadkii hore ayaa loo qorsheeyay in Kulanka Golaha Wasiirada lagu qabto Baydhab balse waxaa dib u dhigay Koonfur Galbeed oo dabaal dageysay Sanad Guuradii Saddexaad ee ka soo wareegtay Aas Aaska Maamulkaasi.
Hadii ay dhacdo in ay Baydhabo ku shiraan Golaha Wasiitada Soomaaliya ayaa waxay noqon doontaa Markii Labaad ee Xkumadda Khayrre ku shiraan magaalo ka baxsan Muqdisho.
13-kii July ee Sanadkaan ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya waxay kulankoodii ugu horeeyay oo lagu qabto meel ka baxsan Muqdisho waxay ku yeesheen magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose.