Uncategorized

Khayrre oo kormeeray Wasaaradda Howlaha Guud.

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Khayrre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib uu dhiska Soomaaliya,waxaana la socday xubno ka mid ah xafiiskiisa.

Khayre waxaa xarunta Wasaaradda Howlaha guud ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaraddaasi Eng Saadiq C/llaahi Cabdi,Wasiiru Dowlaha Wasaradda,Wasiir ku Xigeenka Wasaradda,Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaradda Howlaha Guud.

Waxa uu midd mid u kormeeray xafiisyada Wasaaradda isagoo warbixino ka dhageestay masuuliyiinta Wasaaradda kuwaas oo ka hadlag xaaladda shaqo ee wasaarada.

Ra’iisul wasaare Khayrre kuma badna kormeerkiisa Wasaaradaan markii loo eego wasaaraha Maaliyadda iyo Arimaha Dibadda Soomaaliya oo ah labada wasaarada oo inta badan kormeer ku tago.