Somali News

Kheyre iyo Shaakir oo Dhuusamareeb kula kulmay Ganacsatada Galmudug

Dhuusamareeb-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa hadda Shir kula leh magaalada Dhuusamareeb qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug, kuwaas oo saakay soo gaaray  Dhuusamareeb.

Qaar kamid ah Ganacsatada deegaanadaas oo sheegay in ay ka jawaabayaan codsigii  Ra’iisul Wasaare Kheyre, ayaa saakay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, cidsigaas oo ahaay in Ganacsatadu ay maal gashadaan Caasimadda Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Kheyre ayaa 11-kii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaay deegaanada maamulka Galmudug, isagoo sheegay in shacabka reer Galmudug uu ka gacansiinayo sidii maamul loo dhanyahay loogu dhisi lahaa Galmudug, waxaana lagu wadaa in galinka dambe ee maanta uu gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.