Somali News

Kheyre iyo siyaasiyiin kale oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ay soo gaaray qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ku maqnaa safar dibada ah.

Wararka ayaa sheegaya in shirar ay ku yeelan doonaan Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana ay ku dhawaaqi doonaan Gole ay ku mideysan yihiin.

Musharixiinta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid Xasan Cali Kheyre R/wasaarihii hore ee Soomaaliya, Daahir Maxmauud Geelle Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Somalia, Cabduqaadir Cosoble, Xuseen Cabdi Xalane iyo Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mucaaradka ay qaadici doonaan guddiga doorashada ee ay Xukuumadda soo magacowday, sidoo kale waxaa ay sameyn doonaan qorshayaal barbar socota kuwa dowladdu u qaaday hannaanka doorashada Somalia.