Somali News

Khayre oo beesha caalamka ka dalbaday in lagu taageero dowladda daabicida lacag cusub

Muqdisho-KNN-Xasan Cali kheyre ra’iisulwasaaraha soomaaliya ayaa manta waxaa uu shir guddoomiyay Kulan laiskugu yeeray deeq bixiyaasha caalamka ee jooga soomaaliya,waxaana laga dalbaday in ay ka gacansiiyaan dowladda sidii si deg deg ah lagu soo daabici lahaa lacag cusub oo ay soomaaliya yeelato.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in lacag cusub in la helo ay tahay mid muhiim a,si lacagihii hore ee duugo loo baddalo.

Kulanka waxaa masuuliyiintii ka hadlay kamid ah wasiirka maaliyadda xukuumad soomaaliya Cabdiraxmaan ducaalle Beayle ayaa dhiniciisa sheegay in tani ay aad ugu hamiweenaayeen,islamarkaasina waxaa uu mahadceliyey xubnihii ka socday beesha caalamka.