Somali News

Kheyre oo darajada sarreeya Guuto uu xiray gabadhii ugu horreysay

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Kheyre oo ah ra’iisul Wasaaraha soomaaliya oo wakiila ka ahaa madaxweynaha jamhuuriyadda,Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee gaarta darajadaas ee ciidanka soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka soomaaliyeed ku bogaadiye kaalinta muuqato ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka,isagoona tilmaamay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qaranimada soomaaliya.

 “Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Kheyre.

Madaxwayne Farmaajo ayaa 16kii bishan Agosto waxaa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana ay noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaarta ciidanka Soomaaliya.