Somali News

Kheyre oo gaaray Marka iyo madaafiic lagu garaacay magaaladaas

Muqdisho-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhaw gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Kheyre ayaa waxaa wafdigaas ku wehliyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiirro isugu jira heer maamul iyo heer federal iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana magaalada Marka kusoo dhaweeyay wafdi ugu horeeyay, maamulka degmada iyo shacabka ku nool magaaladaas.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare kheyre oo maanta kasoo baxay magaalada Baydhabo, ayaa markii ay gudaha u galeen Marka waxaa magaalada qeybo ka mid ah lagu garaacay madaafiic, in kastoo aan wali la xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Shacabka ku nool magaalada Marka ayaa iskugu soo baxay goob fagaare ah waxaana lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare Kheyre halkaas kula hadlo dadka reer Marka.