Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban Sagaal xubnood oo ka shaqeyn doona fatahaadaha ay samaynayaan Wabiyada mara qeybo ka mid ah dalka.
Xubnha guddiga fatahaadaha oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga wasiirka Gar-gaarka xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna R/wasaaraha Kheyre faray guddigaas in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.
Sagaalka ruux ee guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu magacaabay Kheyre ayaa kala ah:
Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka dowladda Soomaaliya Gudoomiye
Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya
Maxamed Abuukar Islow Ducaalle Wasiirka Amniga
Fowsiyo Maxamed Sheekh Wasiirka korontada iyo biyaha
Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha
Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada
Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya
Maxamed Cabdi xayir Maareye Wasiirka Warfaafinta
Isaaq Maxamed Maxamuud wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha
Saacadihii lasoo dhaafay fatahaado aad u badan oo uu sameynayo wabiga Shabeelle ayaa harqiyay magaalooyin ay ugu horeyso magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiraan, taas haatan shacab iyo maamulba ay dibadda uga carareen, waxaana la soo sheegayaa dad ku go’doonsan gudaha magaalada.