Muqdisho-KNN-Xasan Cali Kheyre R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Tv-ga Universal ayaa waxaa uu ka hadlay qorshaha ay qaban doonto xukuumaddiisa labada sano ee soo socota.
Mr Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in labada sano ee soo socota ay ka shaqeyn doonaan horumarinta siyaasadda dalka iyo qorshayaasha lagu hoggaamin doono, kuwaasi oo ay doonayaan inay ka qeyb qaataan dhammaan siyaasiyiinta soomaaliyeed, maamul gobaleedyada iyo madax dhaqameedyada soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Intaasi waxaa uu hadalkiisa ku daray in qabya tirka dastuurka dalka iyo qeybsiga Kheyraadka dalka iyo hagaajinta nidaamka doorashooyinka ee dalka ay yihiin qodobada ugu waa weyn ee xoogga ay saari doonaan sanadaha soo socda.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay inaysan soo saarin siyaasadda doorashooyinka, kaasi oo la doonayo in 2021 lagu hago nidaamka doorashada ee dalka ka dhici doonta.
Halkan ka dhageyso Codka