Somali News

Kheyre oo kulan la qaatay dhalin yarada Gaalkacyo

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah Dhallinyarada Gaalkacyo.

Kulanka uu qaatay Ra’iisul Wasaare Kheyre qaar kamid ah Dhallinyarada Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowladda iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filaya inta uu ku sugan yahay Magalada Gaalkacyo in uu la kulmo Odayaasha & Waxgaradka Magalaaladaas,isaga oo kala hadli doona sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan.