Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale oo soo gaaray Muqdisho
Labadan mas’uul kulankooda ayaa looga hadlay deyn cafinta, la dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisa iyo dhismaha ciimadamada qaranka Soomaaliyeed.
David Hale oo dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaan.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa kulankooda sidoo kale iskula soo hadal qaaday kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.




