Somali News

Kheyre oo lagu wado inuu furo shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta in uu Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug uu ka furo Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug.

Magalada Dhuusamareeb waxaa haatan ku sugan dhamaan Ergada ka qeyb-galeysa Shirka,iyada oo shalay ergadii ugu dambeysay oo ka timid deegaanka xeraale ay halkaasi gaareen,waxana jirtay in shirkaasi tira laba jeer ah uu dib u dhacay.

Ammaanka Magalada Dhuusamareb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Magaaladaas ku sugan Ciidamada Dowladda oo isugu jira, Millateri, Boolis iyo Nabadsugid, sidoo kale waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka kala socda dalalka Jabuuti iyo Itoiobiya.