Somali News

Kheyre oo lagu wado inuu kulan la qaato odayaasha dhaqanka ee ku sugan Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb-KNN-Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu kulamo la qaato ergooyinka ka qaybgelaya shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo laga daahfuri doono magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in kulamada Ra’iisul Wasaaraha looga hadli doono dardar-gelinta Galmudug mideysan oo loo dhan yahay,isla markaana Ra’iisul Wasaaraha uu rajeynayo in wax badan uu ku soo kordhin doona dib ugu soo laabashadiisa Magalada Dhuusamareeb, sida uu hadalka u dhigay.

R/Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu beri furo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug, iyadoona amaaanka xarunta lagu qabanayo shirka aad loo adkeeyay.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee uu ku furmayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.