Somali News

Kheyre oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb-KNN-Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa uu ku wajahan yahay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobalka Galgaduud.

Ciidamada gaar ah ee ilaalada Ra’iisul wasaaraha iyo qaar kamada howl wadeenadiisa ayaa saakay gaaray Dhuusamareeb waxaana sida qorsho yahey Ra’iisul wasaaruhu safar dhanka cirka ah ku tago Dhuusamareeb.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta uu gaaro  Magaalada Dhuusamareeb si uu halkaasi ugu sii wado Dhismaha Maamulka Galmudug.

Xasan Cali Kheyre R/Wasaaraha Soomaaliya  ayaa markii uu tego Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Galmudug ee ku sugan halkaas, isaga oo kala hadli doona xaalada Galmudug iyo sida ay ku dhici laheyd doorasho loo dhan yahay, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee Magaalada Dhuusa mareeb.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa uu ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isaga oo  halkaasi ka waday kulamo  uu la yeelanayay waxgaradka iyo Odayaasha ee Ku sugan Gobalkaasi.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii odayaasha Dhaqanka ee Gobalka Mudug ay R/Wasaare Kheyre ay ka dalbadeen inuu mudo sedex cisho ah siiyo odayaasha si ay u xaliyaan tabashooyin jira.