Somali News

Kheyre oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda Kenya.

Muqdisho-KNN-R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa la sheegay inuu kulan la qaatay wafdi ka socda wasaarada arimaha dibada ee dowladda Kenya, waxaa uuna kulanka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo bartiisa twitter-ka soo dhigay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibada dowladda Kenya Ababu Namwamba ayaa sheegay in ay kulan la qaateen R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka socday wasaarada arimaha dibada Kenya.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay arimo  dan u ah labada dal ee  Soomaaliya iyo Kenya.

Kaaliyaha wasaarada arimaha dibada Kenya ayaa qoraalkiisa ku sheegay in kulanka ay ka qayb galeen Danjiraha Kenya ee Soomaaliya Gen. (Rtd) Lucas Tumbo iyo agaasiamaha Waaxda Nabadgelyada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya John Kilonzi.