Somali News

Kheyre oo shir looga hadlayay deynta cafinta la qaatay madaxda wasaarada maaliyada.

Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta shir guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya,kaas oo todobaadkiiba mar ka qabsooma Muqdisho.

Sidoo kale waxaa shirkaasi goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isaga oo Ra’iisul Wasaaraha uu warbixin ka siiyay shirkii uu uga qyeb-galay Magaalada Addisa Ababa ee dalka Itoobiya.

“ Shirkii Todobaad laha ahaa ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya SMP waxaa maanta nagala soo qeyb galay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan warbixin ka siiyay shirkii dhawaan Addis Ababa inoogu soo gaba gaboobay ee dib u eegista SMP4 ayuu yiri “Wasiir Beyle.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Wasaaradda Maaliyadda uga mahad celiyay dadaalka ay u gashay sidii deynta looga cafin lahaa Soomaaliya,isaga oo kula dardaarmay in qorshahaas ay sii lab jibaaraan.