Somali News

Kheyre oo Tababar Ciidamo uga Furay magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta tababar magaalada Dhuusamareeb uga furay ciidamo dhawaan laga soo qoray deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay in la qarameynayo markii uu tababarku usoo dhamaadana lagu biiri doono ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howlgasha Gobolada dhexe.

Khayre oo ka hadlay munaasabadda furitaanka tababarka oo lagu qabtay xarunta Inji ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan tababarkaas si markii ay dhameystaan ay awood ugu yeshaan in Al-Shabaab ay ka xoreeyaan goobaha ay ka maamulaan deegaanada maamulka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa reer Galmudug iyo dhammaan mas’uuliyiintooda uga mahadceliyay dowrka ay ka qaateen fududaynta qarameynta ciidanka, isagoo faray ciidamadii uu tababarka u furayey in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed si wadajir ah ugu shaqeeyaan ayna ka qayb qaataan soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda furitaanka tababarrada ciidamada dowladdu ay dhawaan qarameysay waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada, madaxa fulinta Galmudug, wakiillada Qarmada Midoobay, xubno ka socday Midawga Afrika, xubno ka tirsan Urur goboleedka IGAD iyo safiirrada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.