Somali News

Kheyre oo tababar maanta u soo xiray askar ka mid noqoneysa Kumaandooska Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Kheyre  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta Magalada Muqdisho tababar ugu soo xiray boqolalaal Askari oo maalmihii dambe tababar ugu socday Dugsiga tababarka Turki-Som eek u yaala  Muqdisho.

Xaflada  tababarka loogu soo xireyey ciidamada kumaandooska ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga ,Taliyaha Xoogga  iyo Gudoomiyaha gobalka Banaadir.

Ciidamadan ayaa tiradooda waxaa ay gararayaan ku dhawaad 500 oo askari ,isla markaana waxaa ay  ka mid noqonayaan  Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya, iyagoona mudo tababar uu uga socday Dugsiga tababarka Turki-Som eek u yaala  Muqdisho.

R/Wasaare kheyre oo maanta la hadlay ciidamada Tababarka loo soo xiray ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadan ay dagaal la gali doonaan xubnaha ka tirsan dagaalamayasha Al-Shabaab eek u sugan gobalada dalka Soomalia, isagoona sheegay in xilligan ay niyad jabeen Al-Shabaab, kadib markii ay arkeen Awooda ciidamada Dowladda, waa sida uu hadalka u dhigay.