Somali News

Kheyre oo Washington uga qeyb galay shirka IMF iyo Bangiga Adduunka

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Magaalada Washington DC ee Caasimadda Dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda lacagta Adduunka.

Kheyre ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta Dalka iyo sida ay Dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku xiran in Dalka deynta laga cafiyo.