Uncategorized

Kheyrre oo Gurigiisa ku booqday Senator Cabdi Qaybdiid kana raali giliyay weerarkii lagu qaaday.

Muqdisho-KNN-Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre  ayaa  Gurigiisa ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” oo maalin ka hor lagu weeraray Gurigiisa oo ku yaala degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

R/Wasaare kheyre oo qorshaha booqashadiisa aheyd in uu la qeybsado Senatorka dhibaatada  ka dhashay falkii lagu weeraray hoygiisa, kaasi oo maalin ka hor ay u galeen Ciidamo hubeysan, kadibna gurigiisa ka fuliyay baaritaano.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muujiyay Senator Cabdi Qeybdiid in Dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay falkaasi weerarka ah, islamarkaana ay Dowladdu ka jawaabi doonto.

Gen Cabdi Qaybdiid ayaa Ra’iisal Wasaaraha ka dalbaday in la keeno dadkii soo abaabulay weerarka Gurigiisa balse uusan ku qancin in la xiro oo kaliya Taliyaashii howlgalkaan hogaaminayay iyo Ciidankooda.

Cabdi Qaybdiid iyo Ra’iisal Wasaare Kheyrre ayaa la sheegay in kulankooda ku soo dhamaaday, Kheyrre oo u tagay Raali gilin iyo Qaybdiid oo dalbaday in la soo helo dadkii abaabulay weerarkaasi.

Halkan ka Daawo Sawirrada: