Somali News

Kheyrre oo kulan la qaatay qaar kamid ah dhalinyarada Kismaayo

Kismaayo-KNN-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, ayaa xalay kulan la qaatay qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose.

Reysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhalinyarada kala hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan amaanka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo kaabiyaasha dhaqaalaha.

Kheyrre ayaa dhalinyarada u sheegay in Soomaaliya ay soo kabaneyso dhalinyaradana ay laf dhabar u yihiin Xaaladda soo kabashada ah ee Soomaaliya, waxa uuna kula taliyay in ay ka qayb-qaataan Siyaasadda Soomaaliya iyo Nabadda dalka.

Dhalinyarada magaalada Kismaayo ayaa Reysal Wasaaraha wax ka weydiiyay xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda dhalinyarada ee mustaqbalka iyo rajada hada ah ee shaqa abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Kheyrre ayaa la sheegay in uu kulamo kale la qaadan doono dhalinyarada Kismaayo, sidoo kale qaybaha kale ee Bulshada ayaa la sheegay in Kheyrre uu Kismaayo kulan kula qaadan doono mudada uu halkaasi ku sugan yahay.