Uncategorized

Kheyrre”Shacabka waa in ay xoojiyaan Gurmadka loogu jiro Badbaadinta dhibanayaasha”

Muqdisho-KNN-Xasan Cali kheyrre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

R/wasaare kheyre, ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid Argagixisinimo, waxaana uu tilmaamay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen shacab waxba aan galabsan.

Xasan Cali kheyre, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka banaadir ay gurmad baaxad leh ay u sameeyeen dadkii qaraxa ku dhamaaday, dadka soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka socda.

“waa in aan xoojinaa Gurmadka deg deg ah ee loo sameynaayo dhibanayaasha, Shacabka ha sadaqeestaano dhiigooda Isbitaalada waxaa buuxo dad badan oo dhiig u baahan aan is Caawino” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyrre.

Musiibo Qaran ayaa Shalay ka dhacday magaalada Muqdisho mana jirto qaab looga hadli karo, qofka ugu wanaagsan ee arintaan ka hadla ayaa ku baaqaya Caawin deg deg Sababtoo naftaada kuma siiso dhaliil iyo eedeyn markii aad waxa dhacay.