Uncategorized

Khilaaf culus oo ka dhax-taagan Hogaanka Maamulka Galmudug.

Muqdisho-KNN-Waxaa cirka isku sii shareeraya Khilaaf u dhaxeeya hogaanka Maamulka Galmudug kaas oo laga cabsi qabo inuu saameeyo Shaqooyinka aan markii hore u socon sidii loo baahnaa ee deegaanada Galmudug.

Khilaafkaan ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle, Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug oo Garab ah iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo dhinac ah.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa degay Magaalada Cadaado waxayna sheegeen ineysan aqoonsaneen Xubnaha Baarlamaanka ee Galmudug ka soo galay dhinaca Ahlusunna iyo Isbadalka lagu sameeyay Dastuurka Maamulka Galmudug.

Shalay Gelinkii dambe ayaa sidoo kale Shir Jaraa’id oo ay Dhuusamareeb ku qabteen dhinaca kale ee uu ka mid ah Madaxweyne Xaaf ayaa waxay sheegeen in aysan jirin khilaaf u dhaxeeya Madaxda Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenkana ay yihiin Qaswadayaal sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ugu Garabyada Galmudug iney Muqdisho si deg deg ah ku yimaadaan si loo xaliyo Dhibaatada ka taagan ama Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug.