Somali News

Khilaaf ka dhashay xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay Gudoomiyaha Howl-Wadaag.

Khilaaf xoogaan ayaa ka dhashay xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay Gudoomiyaha Degmada Howl-Wadaag mustaf Cali Kheyre.

Warqad aan la shaacin ayaa la sheegay in Agaasimaha xiriirka degmooyin gobolka banaadir uu diray Gudoomiyaha Degmada Howl-Wadaag taas oo ku shegay in xilkii laga qaaday, sidoo kalana uu diyaariyo waqtiga uu xilka wareejinayo, taas oo uu gashaanka u daruuray Gudoomiyaha Degmada Howl-Wadaag.

Wixii intaa ka danbeeyay Gudoomiyaha Degmada Howl-Wadaag ayaa si cad u naqdiyay Xilka qaadista aan sharciga aheeyn ee lagu sameeyay taas oo sida la sheegay uu gadaal ka riixayo xildhibaan mustaf dhuxuloow iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Gollaha Shacabka.

Gudoomiyaha Degmada Howl-Wadaag mustaf Cali Kheyre ayaa sheegay in aan xilka laga qaadin, sidoo kalana aan xitaa la shaacin xil ka qaadistiisa, arintaanuna tahay mid ay gadaal ka riixayaan xildhibaano ka tirs gollaha shacabka oo uu ugu horeeyo xildhibaan mustaf Dhuxulow.

Dhanka kale Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya islamarkaana u abaabulan qaab beeleed ayaa la wareegay gacan ku haynta xarunta degmada Howl-wadaag ee gobalka Banaadir oo ay ku sugnaayeen askar katirsan booliska Soomaaliya.

Ciidankaan oo wata gaadiid dagaal ayaa isku balaariyay gudaha iyo banaanka degmada, waxaana la sheegay in ay diidan yihiin xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii degmadaas Mustaf Cali Kheyrre.