Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Khilaaf ka taagan Xilka qaadistii Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble

Jowhar–KNN– iyadoo Shalay Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Hirshabelle ay sheegeen in ay Kalsoonidii kala laabteen Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxaa Arrintaas ka taagan Khilaaf ka dhashay Xilka qaadstaasi.

Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Hirshebeelle ayaa sheegay in Tirada Xildhibaanada Xilka ka qaaday Madaxweynaha ay yihiin kuwo Been ah islamarkaana Xildhibaanno intaas le eg aysan joogin Magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Maanta la filayaa inuu tago Magaalada Jowhar islamarkaana uu Faro geliyo Khilaadka ka dhashay Xilka laga qaaday M/weyne Cosoble.