Uncategorized

Khilaaf kasoo cusboonaaday Galmudug

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa saaka gaaray magaalada Cadaado oo horay u aheyd xaruntii KMG Galmudug, iyadoo dib mar kale u soo cusboonaaday khilaafkii horay u ragaadiyay maamulkaas.

Sida ay sheegayaan wararka labadan Mas’uul ayaa dhowaan shaaciyay inuu jiro khilaaf u dhaxeysa Madaxda Galmudug oo salka ku heysa isku darkii Baarlamaanka, awoodda oo hal dhinac noqotay iyo is bedel lagu sameeyay Dastuurka, kaddib markii Madaxweyne Xaaf uu muddo kororsaday.

Waxaa kaloo Mas’uuliyiintan ay sheegeen in la jebiyay qodobo ka mid ah heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.

Mas’uuliyiintan ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Cadaado, iyadoo magaalada ay gashay saan saan siyaasadeed oo la mid ah tii sanadkii hore ka jirtay ee ka dhalatay xil ka qaadis Xubno ka tirsan Baarlamaanka oo ay horkacayeen Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ku sameeyeen Madaxweyne Xaaf.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wada hadalo lagu xalinayay khilaafka beryahan taagnaa oo ka socday Muqdisho uu guuldareystay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo tan iyo markii ay dhacday munaasabadii dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlusuna waxaa uu saldhigtay Dhuusamareeb, oo ah xarunta Galmudug, waxaana halkaas uu ka waday howlaha maamulka, iyadoo ay is faham buuxa kala dhaxeysa Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir.

Xaaf ayaa la filayaa in maalmaha soo socda inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiirada, taasoo ay keeni karto inay dhinaca kale ee Cadaado tagay ay ka hor-yimaadaan.

Khilaafka ka soo cusboonaaday Galmudug ayaa waxaa uu yahay mid mar kale kala qeybin doono maamulka labada dhinac, sida muuqata in Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay weli yihiin kuwo isku dhinac ah, halka Madaxweyne Xaafna uu hada heysto Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir.