Muqdisho-KNN-Taliyaha ciidanka Booliska ee maamulka Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse ayaa shaqada ka joojiyay Taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal G/sare Muumin Cabdi Shire.
Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in labada taliye uu khilaaf hoose ka dhexeeyay todobaadyadii la soo dhaafay isla markaana aysan wax wada-shaqeyn ah dhexmarin, taas oo sababtay in taliyaha guud ee ciidanka boolisku uu shaqa ka joojin ku sameeyo taliyaha qeybta.
Taliye Muxiyadiin ayaa dikreetada uu shaqada uga joojiyay G/sare Mu’min Cabdi Shire waxa uu ku xusay in uu amardiiddo sameeyay sidaasi darteedna shaqada looga joojiyay.


