Muqdisho-KNN-Hogaamiyaasha mucaaradka dalka Sudan ayaa ku baaqay dibad baxyo waawayn oo dalkaasi ka dhaco kadib markii ay sheegeen in golaha militariga dalkaasi ka arimiyo uu balantii kagabaxay.
War ay soo saareen axsaabta mucaaradka dalkaasi ayay shacabka uga dalbadeen in ay sii xoojiyeen dibad baxyada cadaadiska loogu kordhinayo xukunka military ee dalkaasi ka arimiya.
Warka mucaaradka ayaa kusoo beegmaya iyadoo xukunka militarily ee dalkaasi uu shacabka uga digay in uu dhex maro isku dhac iyagoona ka dalbaday in ay baneeyeen wadooyinka waawayn ay uga suganyihiin caasimada dalkaasi.
Mohamed Naji al-Assam, oo ah afhayeen urur ay ku mideesan yihiin xirfadlayaasha dalkaasi Sudan oo ah kooxda ugu wayn ee dibadbaxyada dalkaasi hor boodayso ayaa sheegay in marna xukunka military aysan ka go’neen in ay xukunka ku wareejiyaan maamul madani ah.
Horaantii bishan ayay ahayd markii golaha military ee dalkaasi ay xukunka ka tureen madaxwaynihii mudada dheer dalkaasi maamulayay ee Cumar Xasan al-Bashiir.