Somali News

Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay maamulka G/Hiiraan

Waxaa sii xoogeesanayo khilaaf saameyn ku yeeshay ganacsiga iyo isku socdka qaar ee magaalada Beledweyne kaas oo u dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Hiiraan cali jeyti cismaan iyo gudoomiye kuxigeenka maaliyadda iyo siyaasadda gobolka Hiiraan abuukar maadeey.

Khilaafkan oo markii hore ka dhashay arrimaha maliyadda ee gobolka Hiiraan ayaa taagnaa waayadii lasoo dhaafay kaas oo soo shaac baxay markii danbe iydoona labada mas’uul haatan ay meel dheer ku kala taagan yihin arrimaha maaliyadda ee gobolkaas.

Muranka u dhaxeeya labadan mas’uul ayaa sababay in ciidamo ka amrqaata guddoomiye kuxigeenka maaliyadda iyo siyaasadda gobolka Hiiraan abuukar maadeey ay saacadihii  lasoo ay xirtaan buundada liiq liiqato oo ah mid muhiim u ah isu socdka dad iyo gaadiidka ee magaaladas.

Ciidamada oo  xirtay aaga buundada liiq liiqato ayaa ku waabariistay waxaana la sheegay in ilaa iyo haatan ay ku sugan yihiiin inkastooo ay socoto waawaan la doonayo in meesha looga qaado.

Maamulka hir shabelle ayaa weli ka hadal khlaafka quseeya dhanka maaliyadda ee u dhaxeeya madaxda ugu sareyso ee gobolka Hiiraan mana jirto ilaa iyo hadda dhaq dhaqaayo muuqda oo loo qaaday soo afjarida murankan.

Gobolka Hiiraan ayaa ah mid muhiim ah waxaa uuna isku xiraa koonfurta bartamaha iyo waqooyiga soomaaliya, iyadoona ay ka baxaan maalintiiba gaadiid qaada xoolaha iyo bagaashka nuucyadiisa kala duwan kuwaas oo geeya gobollada dalka.

Canshuurta laga qaado gadiidkaas oo bishii lagu sheegay  in ay badan 400kun ayaa la sheegay in aysan  dhaafin gacnata maamulka gobolka . mana jirto wax loogu qabtay canshuurtaas dadka daga  gobolkaas waxaana xusid mudan in qoysas badan oo aan heysan adeegyada aas aasiga ee nolosha ay ku dhibaataysan yihiin magaalada Beledweyne, Deegaano iyo dagmooyin hoostaga gobolka Hiiraan