Nairobi-KNN-Waxaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya isugu tagay madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, iyo Puntland.
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Dani ayaa xalay ka degay magaalada Nairobi halkaasi oo ay ugasii horreeyeen Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Galmudug oo horay uga sugnaa.
Madaxweynaha Puntland oo maalmihii dambe ku sugnaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in halkaas uu kulamo kulayeeshay Madaxda Imaaraadka iyo Mas’uuliyiin Shirkadda DP World.
Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaa la sheegay in Nairobi ay shir kula yeela doonaan Wakiilada Beesha Caalamka.