Uncategorized

Khilaafka Khaliijka oo gilgiley nidaamka federaalka Soomaaliya

Murankii ka dhashay moowqifka dowladda federaalka ay ka qaadatay khilaafka dowladaha khaliijka iyo kan ay ka qaateen dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraya, markastana waxaa kasoo kordhaya wax cusub oo arrimaha sii murjinaya.

Markii hore arrinta waxa ay ku ekeyd kala aragti duwanaan oo kaliya, balse hadda waxa ay u egtahay in uu u tilaabay khilaaf rasmi ah oo ragaadinaya laamaha dowladeed ee Soomaaliya oo markii hore ku jiray xaalad dib usoo kabasho.

Inkasta oo laga yaabo in markii horeba xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaar uu ahaa mid ul booc ah ku kutubayay, haddana murankan ka dhashay arrimaha khaliijka ayaa u muuqda in uu wax wayn u dhibayo rajo kasta oo laga qabay in xaaladda soo hagaagto.

Maamul goboleedka Galmudug ayaa noqday midka saamaynta ugu xun uu murankan ku yeeshay kadib markii madaxdii sarsare ee maamulkaasi ay ku kala qaybsameen moowqifka khaliijka.

Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle, Xaaf, ayaa taageeray go’aanka xulufadaha Sucuudiga, halka madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi “Carabeey” iyo goddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir ay taageereen go’aanka dowladda federaalka iyaga oo cuskaday qodobka 54-aad ee dowladda dhexe siinaya awoodda ay go’aan uga gaari lahayd siyaasadda arrimaha dibadda.

Hase yeeshee waxa ay xaaladda cirka isku sii shareertay kadib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu sheegay in dowladda federaalka ay diyaaradii uu la socday “ku xayirtay magaalada Hargaysa”.

Xaaf ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in ay faragalin qaawan ku hayso maamulka Galmudug, wuxuuna yiri “Waxaan reer Galmudug iyo ummadda Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada iyo dowladaha caalamka iyo UN-ka ogeysiinayaa arrinta faragelinta ah ee dowladda federaalka nagu hayso in ay tahay dhabar jab reer Galmudug ka dhan ah”.

Xaaf markii uu garoonka Cadaado kasoo dagayay waxaa loosoo dhaweeyay si aanan horay loo arag, waxaana hareertiisa ka muuqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug oo ahaa ninkii shir guddoomiyay kullankii baarlamaanka ee xilka looga qaaday madaxweynihii hore Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Banaanbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo go’aanka madaxweyne Xaaf ayaa lagu qabtay meelo ka mid ah Galmudug, loogana soo horjeedo moowqifka dhexdhexaadnimada ee dowladda dhexe.

Waxaa jiray shirar is daba joog ah oo ay yeelanayeen golaha wasiirada Galmudug oo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka ka dhaxeeya hoggaanka maamulka sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagawaa.

Xigasho BBC