Somali News

Khilaafka u dhexeeya Waare iyo Yuusuf Daba geed oo saameyn ku yeeshay Hay’adaha garsoorka

Beledweyne-KNN-Khilaaf siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyihii xilka la qaaday ee Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba Geed ayaa waxaa uu sameyn ku yeeshay shaqooyinkii loo hayay shacabka ku nool Gobalkaasi.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu diiday inuu xafiiska banneeyo, gudoomiyihii hore ee gobolka  Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, taasina waxaa ay keentay in xiisad ay arintaasi ka dhalato.

Yuusuf Axmed Xagar oo loo yaqaano Dabageed ayaa ku adkeysanaya inuu weli yahay gudoomiyaha sharciga ah ee gobolka isla markaana ay sharci darro tahay warqaddii isaga shaqada looga fariisiyay.

Wariyaha KNN ee Gobalka Hiiraan Cusmaan Aadan Careys ayaa waxaa uu soo sheegayaa in khilaafka u dhexeeya labada masuul uu saameynta ugu weyn uu ku yeeshay Hay’adaha garsoorka ee Gobalkaasi.

Magaalada Beledweyne ayaa xiligan waxaa ka soconaya kulamo lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Waare iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed,