Somali News

Khudbadaha Musharixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland oo saakay la dhageysanayo.

Garoowe-KNN-Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta dhageysanayaha Khudbadaha Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland iyo Ku xigeenkiisa.

Xilka Madaxweynaha ayaa xilligan waxaa u taagan ku dhawaad 20 musharax, halka Madaxweyne ku xigeenka ay u taagan yihiin 11 mushrax.

Xalay ilaa saakay ayaa ololo xoogan laga dareemayay gudaha Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Amaanka goobta ay khudbadaha ka jeedin doonaan musharixiinta ayaa saakay aad loo adkeeyay.

8 bishan ayaa la filayaa in doorashada Madawweynaha iyo ku xigeenka Puntland ay ka dhacdo Magaalada Garoowe.