Somali News

Kiisas Cusub oo Covid 19 oo laga helay deegaanada Soomaaliland

Hargeysa-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka soomaliland ayaa maanta lagu shaaciyay kiisas cusub oo xanuunka coronavirus ah.

wasaaradda ayaa xaqiijisay 24 saac ee la soo dhaafay guud ahaan somaliland laga healay 32 kiis oo cudurka Covid-19 ah ,kadib baaritaan lagu sameeyay dad lagu sameeyay dad looga shakisanaa, halka Hal qof uu u geeriyooday xanuunka.

Tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga diiwaangeliyay deegaannada Soomaaliland ayaa gaartay 257 Ruux 28 Ruux ay ka bogsoodeen halka 18 qof ay u geeriyoodeen.