Somali News

Kiisas Cusub oo covid 19 oo laga helay deegaanada Soomaaliland.

War  qoraal ah oo ka soo baxay  Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in deegaanada soomaaliland laga baaray 40 qof, kuwaasi oo cudurka laga helay 18  qof.

Dadka Cudurka laga helay ayaa Guddiga waxaa ay sheegeen inay  dhamaantood ku sugan yihiin  Magaalada Hargeysa.

Tirada Guud ee Cudurka Coronavirus ee  laga helay deegaannada Soomaaliland ayaa xiligan waxaa ay  gaartay 384 Ruux, halka  57 Qof ay ka bogsoodeen halka 22 Ruux ay u geeriyoodeen.