War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka soomaaliland ayaa maanta lagu shaaciyay in kiisas hor leh oo xanuunka Corona virus ah laga helay deegaanadeeda.
Wasaaradda ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay ay diiwaan galiyeen 14 kiis oo cusub , halka 2 qof oo la xanuunsanaa Cudurka ay geeriyoodeen.
Labada qof ee xanuunka u geeriyootay ayaa ku kala sugnaa magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.
Tiradda guud ahaan Somaliland laga helay ayaa gaartay 217 , halka dhimashaduna ay mareyso 17 qof .
Laba qof oo cusub ayaa cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Somaliland taas oo tirada dhimashada ka dhigaysa 17 qof .